August 30, 2016 | Posted by admin

Magaalada muqdisho qayba ka mid ah waxaa xalay ka dhacday dhacda xanuun badan waxaana guri ku yaala degmada shangaani ee gobalka banadir.

Dhismaha guriga dumay ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay haweenay iyo canug yar oo ay dhashay.

Dhismaha oo ahaa dhisma qadiimi ah ayaa waxa uu ku yaalaa degmada shangaani gaar ahan xaruntii hore ee Madbacada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Dowlada hoose ee gurmadka deg deg ah ayaa gurmad fidiyay hasa yeeshee waxaa geeriyooday hooyadii deganeed gurigaasi ka dib markii loola cararay isbitaalka.

Degmada shangaani ayaa ka mid ah degmooyinka ay ku yaaliin dhismooyinka qadiimiga ah waxaana hada jirta cabsi ay qabaan dadka ka ag dhaw goobtii xalay dhacdadu ka dhacday.

W/Q.Weriye Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS