May 26, 2015 | Posted by admin

Ciidanka Booliska Kenya, ayaa waxay saakay u dhaceen guri ku yaala Magaalada Mombasa ee Xarunta 2-aad Kenya, ka gadaal markii Boolisku ay helayn macluumaad ka dhan ah hoygaasi.

Booliska, ayaa waxay soo bandhigeen qarax ay ka helayn hoyga Khalid Mohammed, oo ah Muwaadin Kenyan ah, balse lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Mombasa, Robert Kitur, ayaa sheegay in Ciidanka la dagaalanka argagaxisada Kenya, ay Talaadadii xabsiga dhigeen, nin hoygiisa laga helay walxaha qarxa.

Taliyaha, ayaa sheegay in nooca qaraxa laga helay hoygaasi uu ahaa mid lagu soo sameeyay dalka Ruushka, isla-markaana ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo amuurtaasi la xiriirta.

Robert Kitur, ayaa sidoo kale sheegay in maanta ay gacanta ku soo dhigeen qaraxyada balaastikada iyo qalabka lagu qarxiyo, sida uu yiri

COMMENTS