September 15, 2017 | Posted by admin

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle waxaa Caawa ka soconaya Kulamo aan Caadi aheen oo ay Wadaan Xildhibaanada iyo Musharraxiinta.

Musharraxiinta ayaa Wado Kulamo gooni gooni ah oo ay la yeelanayaan Xildhibaanada Hirshabeelle si ay uga Helaan Codka.

Waxaa jirta in Shaqsiyaad olole u wada Musharraxiinta qaar ay Wadaan Dadaalo ay kula kulmayaan xildhibaanada Ka dibna ay usoo jiidan lahaayeen si xildhibaanka Codka Looga Helo.

ilaa iyo Sideed musharrax ayaa utaagan xilka Madaxtinimada Hirshabeelle, Waxaana Caawa Mashquul ah Hotellada Magaalada Jowhar iyo Goobaha Kale oo ay ka socoto Ololaha Doorashada.

Maalinta Birita ah ayaa la dooran doonaa Madaxwaynaha waxaana la dhowrayaa Cida ay Doortaan Xildhibaanada Hirshabelle.

La soco.

Maxamed daacad muqdisho.

[email protected].

 

 

COMMENTS