September 13, 2017 | Posted by admin

Waxaa  Magaalada Jowhar ka bilaabatay dhageysiga khudabaha Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle, Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta dhageystay Khudbadaha 3 Musharax.

Musharaxiinta ayaa badankood  ka hadlay waxqabadkooda, aqoontooda iyo Taarkiikh nololeedkooda.

Musharaxiinta ayaa Sidoo kale  ka hadlay waxyaabaha ay kaga duwannaan doonaan Madaxweynihii xilka laga qaaday hadii ay Madaxweyne noqdaan.

Xildhibaanada ayaa Maanta ka dhageystay Khudbadaha Musharaxiinta kala ah.

Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo.

Cabdikariin Cali Nuur.

Maxamed Cabdi Waare.

Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa Xildhibaanada in ay dhageystaan Khudbadaha Shan Musharax.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa diyaar garowga ku aadan Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, taasi oo maalmo kooban ay ka hareen.

Jowhar hada waxaa ku sii qul qulaya Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, xubno ka socda Beesha Caalamka, dadweyne fara badan iyo Wariyeyaal halkaasi u tagaya in ay soo tabiyaan Doorashada.

COMMENTS