July 20, 2017 | Posted by admin

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa ka taagan jahwareer dhanka iibka badeecadaha, kadib markii ganacsatadu diideen qaadashada kunka shillin oo ah lacagta kaliya ee laga isticmaalo Soomaaliya.

Goobaha Waa Weyn ee Ganacsiga Gaalkacyo Qaarkood Ayaa Maanta Xiran, Waxaana inta Furana wax lagu kala iibsanayaa dollar kaliya, tusaale koobka shaah ah oo horey lagu gadanayey 3,000 oo Shillin Soomaalia Ah, ayaa hadda lagu gadanayaa 0.10$ dollarka Maraykanka.

Dadka Gaalkacyo Ayaa Arintan Cabasho Xoogan Ka Muujinaya iyadoona Saameyn Adag oo Dhanka Nolosha Ah Ay Ku yeelatay.

Xiriiro Aynu La Sameenay Ganacsatada ugu Waa Wayn ee Gaalkacyo Ayaa iyagu Ka Gaabsaday in Xaalad Cakiran Waxa Sababay Ay Ka Hadlaan

Xaalada Gaalkacayo ayaa Maanta ah jahawareer Waxaana la sheegayaa in ay saamaysay Dhibaatooyinka ka jira Qaybo ka mid ah Goballada Dalka soomaaliya oo Horay looga Diiday Lacagta Shilinka Soomaaliga.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS