December 29, 2012 | Posted by admin
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay mid kamid ah odayaasha deegaanka ayna toogteen kooxo hubaysan.

Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaboobe Aadan waxaana lagu dilay xaafada israac ee Gobalkaasi laguna dilay meel udhaw gurigiisa.

Xilli uu kusii jeeday guriga ayaa waxaa la sheegay in kooxaha hubaysan ay ugaleen meel aan sidaas kaga fogeyn guriga kadibna ay la dhaceen rasaas taasi oo keentay in goobta dhaawac ahaan looga qaado hayeeshe uu ku geeriyoodo isbitaalka Magaalada.

Kooxaha dilka geestay ayaa durba meesha ka baxsaday iyadoo ilaa iyo iminka aan la garaneyn sababta ka dambeysa dilka loo geestay Gaboobe Aadan.

Maamulka Gobalka Mudug ee dhanka waqooyi Puntland ilaa iyo iminka kama uusan hadlin dilka loo geestay odaygaasi kamidka ahaa dadka deegaanka.

Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca dilal kala duwan oo ay geesteen kooxo hubaysan kadibna halkaasi ka baxsada.

COMMENTS