April 24, 2017 | Posted by admin

Wararka laga helayo Magaalda dhuusamareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Saaka Halkaasi uu ka socdo Banaanbax isu soobax ah oo alle lagu baryayo.

Ururka Ahlusuna ayaa soo qaban qaabiyay Banaanbaxaasi Roob doon ah oo Halkaasi Maanta ka dhacay.

Qaybaha Kala duwan ee Bulshada ayaa ka qayb galaya alle bariga maanta ka dhacay Dhuusamareeb.

Abaarta ka jirta soomaaliya ayaa xiligaan sii xoogaysatay waxaana jirta in Soomaaliya aysan Diirada Saariin alle Bariga Maadaama Xiligaan oo kale la dhigi jiray isu soobaxyo Roob doon ah.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS