January 29, 2013 | Posted by admin

Addis ababa– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maaalintii labaad ka qeyb galay shirka Midowga Africa uga socda Addis Ababa kaasi oo ay hogaamiyayaasha afrika uga hadleen arrimo badan.

R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiyo Mudane Siciid Yusuf Nuur, iyo qaar ka mid ah la-taliyayayaasha Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qeyb galay shirkaan.

Madaxweynaha ayaa maanta la kulmay Madaxa labaad ee Bankiga aduunka mudane Makhtar Diap iyo wafdi uu hogaaminayay,waxaana ay ka hadleen qaabkii Bankiga Aduunka uga kaalmeyn lahaay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar ka gaarto dhinaca hab- maamuleedka dakhliga iyo canshuuraha.

Kulankaan oo maanta lasoo afjaray ayaa Soomaaliya u noqonayso mid taarikhi ah maadaama Madaxweynaha lagu casuumay in uu khudbad dheer oo ka hadlayso arimo badan oo muhiim ah ka jeediyo oo ay ka mid yihiin Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa deris-wanaag iyo horumar.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa caawa waxey u dhoofeen  Xarunta Midowga Yurub (EU) ee Brussels kadib markii uu Madaxweynaha ka helay casuumaad rasmi ah ururka Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madax kala duwan ee ka tirsan Midowga Yurub (EU)

Safaradda Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah Lixda Tiir Siyaasadeed ee dowlladda oo ku aadan in sare loo qaado xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka. Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in dhamaan Madaxda Dowladdaha Afrika, Xoghaya Guud ee Qaramadda Middobay, iyo Midowga Yurub in dhamaan ay aad u soo dhaweeyeen safarkii uu Madaxweynaha ku tagay dalka Maraykanka iyo aqoonsigii dhawaan dalkaas uu aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib muddo kor u dhaafaysa 20sanno.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay maalinta jimcaha ah soo gaaraan Magaalada London Xarunta Wadanka Britain halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda Sare ee wadanka Britain oo uu ka mid yahay Ra iisal wasaare David Cameron.

COMMENTS