February 1, 2013 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Belgium ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, kaasoo ku saabsanaa aqoonsigii Mareykanka uu siiyay dowladda Soomaaliya in aanay waxba ka quseyn Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Aqoonsiga uu maslaxad iyo faa’ido u yahay Soomaalida oo dhan, isagoo soo hadal qaaday qorshaha Midowga Yurub ee sanadkan kaga aadan Soomaaliya, kaasoo ay isla meel dhigeen madaxda Midowga Yurub 10-ka sano ee soo socda sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dib u dhiska iyo horumarka.

Isagoo ka hadlayay aqoonsiga Mareykanka iyo jawaabta Somaliland ayuu sheegay in aan loogu daneyneyn shaqsiga gaar ah ama gobol, hase ahaatee uu yahay mid maslaxad ugu jiro Soomaali oo dhan.

“Waxaa qabaa aqoonsiga Mareykanka iyo midka Yurub dowlad Soomaaliya oo jirta lagu aqoonsaday, cid lugooyi oo dhib ku yahay ma jirta, aqoonsigaas Xasan Sheekh uma sameyneyso, reer hebel uma sameyneyso Soomaaliya ayay u sameyneysaa, Somaliland inay ka faa’ido mooyee wax kale oo dhib ugama imaanayaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mowifkooda yahay mid cad, isla markaana ay wali diyaar u yihiin in Soomaaliya la mideeyo, iyadoo aan dagaal iyo jujuub midna lagu raadineyn.

“Anaga mowqifkeena horayaa u cadeynay, dadka Soomaaliyed in la mideeyo ayaa rabnaa, dagaal kuma mideyneyno, culeysna kuma saareyno, wada hadal ayaa bilowday waa wada hadleynaa wixii aan isku afgarana shaqeynaya, Somaliland iyo Puntland colaad gooni uma heyno, aqoonsiga waa mid faa’ido u wada ah Soomaali oo dhan, dadka Soomaaliyed ayaa u cadeynayaa, faa’idada magacaas ku timaada Soomaali oo dhan ayay wada gaareysaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar wax laga weydiiyay hadalka Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ee ahaa in hadii 100-sano ka soo wareegato aanay marna la midoobeyn Soomaaliya ayuu ku gaabsadan in aanu hadalkaas maqlin, balse ay muhiim tahay in isaga wax laga weydiiyo, ha yeeshee waxaa uu mar kale ku celiyay in wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland uu si niyad sami iyo wanaag ku bilowday.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku yeelan karto sharaf iyo karaamo iyadoo midowda, taasna ay u tahay faa’ido weyn, waxaana uu mar kale ku celiyay inay xaqiijineynayaan maslaxada umada Soomaaliyed.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ku tilmaamay hadalkii Ingiriiska ka soo yeeray ee ahaa in qatar amaan ka jirto Somaliland inuu yahay war laga xumaado oo wax u dhimi kara xiriirka iyaga iyo Ingiriiska, isagoo sheegay in aqoonsiga Mareykanka aanu aheyn inuu hada aqoonsaday Soomaaliya, balse uu dowladda cusub aqoonsaday.

COMMENTS