April 29, 2015 | Posted by admin

Garowe-Puntlandi- Madaxweynaha federelka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, iyadoo soo dhowayntooda ay ka qayb galeen boqolaal shacab ah iyo mas’uuliyiinta Puntland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Xasan iyo wafdigiisa ayaa ku lugeeyay barxada weyn ee magaalada Garowe isagoo si kalsooni ah u salaamayay shacabka usoo baxay soo dhowyantiisa, kuwaas oo ilaa iyo saaka hortaagnaa wadada laamiga iyo barxada si ay u arkaan madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland oo soo dhowayn kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa in ay u yimidaadeen Puntland sidii wadatashi looga samayn lahaa geedi-soconka nabada Soomaaliyeed si kor loogu qaado midnimada Soomaaliya iyo wadajirka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaciisa ka sheegay Puntland inay door muhiim ah ku leedahay dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, isagoo cadeeyay inuu aragtiyo ka qaadan-doono Puntland iyo shacab-keeda si loo helo dowlad ku dhisan wada tashi iyo raali ahaansho bulshada oo idil.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Puntland doorka ay ka qaateen dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaan, isagoo dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan dhibaatooyinka ka taagan dalka Yemen gaar ahaan gulufka ay wadaan Xuutiyiintu, isagoo sheegay taasi inay tahay sababta taageerada ay ugu hayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Xootiyiinta ee xooga kula wareegay awooda dalka Yemen.
Waxaa kale oo uu madaxweynuhu sheegay inay dowladda Soomaaliya kasoo daabulidoonto dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Yemen, loona diridoono diyaarado iyo maraakiib soo qaada.

COMMENTS