September 12, 2014 | Posted by admin

640x360x2014911635460479755963860Madaxweyne_Xasan_Sheekh.jpg.pagespeed.ic.g1vONlO6qX
Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay shaaciyey inuu doonayo mar kale dalka inuu hoggaamiyo,waxaana 2016 lugu wadda inay qab-soonto doorasho ay shacabka wax dooran doonan.

Xasan Sheekh ayaa xalay ka qayb-galay barnaamij dood ah oo ku saabsaneyd waxqabadka dowladda muddadii labada sanno ee ay jirtay, kaasoo ay soo qaban qaabisay machadka daraasaadka Siyaasada ee Heritage, waxaana uu ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen dadweyne kala duwan oo isugu jiray, aqoon-yahanno, siyaaiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa la weydiiyay su’aal ahayd inuu mar kale xilka uu hayo isku soo sharraxayo marka la gaaro sannadka 2016-ka iyo haddii xilka looga guuleysto inuu diyaar u yahay in khibraddiisa uu ku biiriyo muwaadinka la doorto ayaa ku jawaabay.

“Haa,waxaan ahay musharrax u taagan xilka madaxweynenimada sannadka 2016-ka oo ay dhici doono doorasho,sida muwaadin kasta ee Soomaaliyeed uu musharrax u yahay, haddii la iga guuleystana waxaa diyaar u ahay inaan wixii khibrad ah ku kordhiyo shaqsiga la doorta.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ku celiyay inuu ka mid yahay murashaxiinta xilka isku soo taagaya.

Waxaa qorshuhu yahay doorashada xilliga dalka ka dhacaysa inay noqoto mid ay shacabku codkooda dhibtan,balse dadka arrimahan falan-qeeya waxaa ay sheegayaan inay adagtahay waqtiga doorasho shacabka ay codaynayan dalka inay ka dhacdo.

“Dalka kuligii dowladda ma ay maamusho xilligana uma diyaarsana doorasho ay shacabka wax dooran karan,”ayuu yiri khabiir ka hadla arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan oo ka soo muqday taleefishinka dowladda Soomaaliya ayaa su’aalihii la waydiiyey waxaa ka mid ahaa eedeynta kufsiga lagu eedeeyay AMISOM, isagoo xusay in taasi marna aanay farxad gelineyn, hase ahaatee xukuumaddu ay weydiisatay in jawaab cad ka bixiso AMISOM, isla markaana ay haatan socdaan daba gal kala duwan.

Waxaa kalo uu madaxweynuhu jawaab ka bixiyey hadallada la isla dhexmarayo ee sheegaya ciidamada AMISOM dalka inay ka baxayaan marka la gaaro 2016,balse waxaa uu sheegay in AMISOM mar walba dalka ka bixi laheyd, hase ahaatee joogitaankeeda xilligan ay keentay daruufo xag amni, iyo in Soomaaliya ay gabaad u noqotay Argagixisada, meelo looga duulana ay noqotay dalalka deriska, ayna doonayaan inay taariikhdaas baabi’iyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay wanaagsan in is bar bar dhig lagu sameeyo askariga AMISOM iyo askariga Soomaaliyeed, isagoo xusay in askariga Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay dalkiisa, waxaana uu rajo ka muujiyay in mustaqbalka in ciidanka Soomaaliyeed ay hantaan ammaanka dalka.

“AMISOM mar walba dalka way ka bixi lahayd, hase ahaatee joogitaankeeda xilligan waxaa keeny duruufo xagga amniga ah iyo in Somalia ay gabbaad u noqoto argagixisada, iyadoo dalkeennuna uu noqday meel duulaanno looga qaado dalalka deriska ah, iyagoo kooxahani ay doonayaan inay baabi’iyaan taariikhda Soomaaliya iyo shacabkeeda.” ayu yiri Xasan.

Maxamuud waxaa uu faah-faahiyey waxyaabihii u qabsoomay labadii sanno ee lasoo dhaafay dowladda uu hoggaaminayo, wuxuuna tilmaamay inuu rajo ka qabo in labada sanno ee soo socota ay gaaraan yoolka ay doonayaan in dalka ay gaarsiiyaan; ayna howlo badan qaban doonaan.

Su’aalaha la waydiiyay oo badna madaxweynaha ayaa jawaabaha uu bixiyey waxaa ka mid ahaa,dowladda sida ay ka yeelayso shirkadda dalka ka baara shidalka iyadoon waxba laga ogaysiin dowladda dhexe,waxuuna sheegay in aanay marna raali ka aheyn in si sharci daro ah inay dalka howlo shidaal baaris ah uga sameeyaan shirkado shisheeye, isagoo adkeeyay baaq ka soo yeeray Wasaarada Batroolka ee ahaa in aanay shirkad aan fasax u qabin ay howlo shidaal baaris ka bilowdo Soomaaliya.

Ugu dambeyn,madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ka hadlay arrinta muranka ku saabsan badda, isagoo cadeeyay in kenya ay calaameysatay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, ayna dooneyso inay goosato, waxaana uu xusay in taas ay dacwad ka gudbiyeen, isagoo qiray in haatan ay socoto howlo shirkado shisheeye ay sahmin ugu sameynayaan qeybta badda ee lagu muransan yahay.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan oo shaqeysay muddo labo sanno ah,waxaa la sheega wali inaysan ka gudbin caqabada hortaagan in shacabka Soomaalida ay ku soo labtaan waayahoodi wanagsana,ammaanka dalka ayaana wali ahayn mid sugan waxaana jirta khatarta Al-shabaab.

___

COMMENTS