October 26, 2012 | Posted by admin


Madaxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa munaasabadda ciidul adxaha darted hambalyo u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta kal hadlay umadda Soomaaliyee ayaa yiri “Dhamaan dadka Soomaaliyeed mee la kasta oo ay ku noolyihiin dalka gudahiisa iyo debadiisa waxaan leeyahay ciid mubaarak”.

“Umaadda Soomaaliyeed waxaan leehay fadliga ciida barakeysan, halley cafiyo, Allana kheyr halaga rajeeyo” ayuu sidoo kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Umadda Soomaaliyeed ha is walaashato, waqtigii colaada iyo dhibku wuu soo dhamaaday, waxaana rajeyneynaa inaan galnay waqti dowladnimo oo wanaagsan” ayaa ka mid ahaa hadlakii koobnaa ee madaxweyne Xasan Sheekh umadda Soomaaliyeed u jeediyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa umadda Soomaaliyeed xuusiyey waayo aragnimadii laga dhexlay colaadaha sokeeye, wuxuuna yiri “Waxaa heysanaa waaya aragnimo nagu filan oo la xiriita dhibaatooyinkii iyo colaadii aan soo marnay, dalka nabad aan kusoo dabaalno”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay waalidiinta carruuntooda qeynta ka yihii dagaallada ka socda Soomaaliya iney ilmahooda la taliyaan oo ka leexiyaan wadada dagaalka.

“Waalidiinta caruurtooda colaadda ku jiraan oo waalahooda dilayaan waxaan leenahay carruurtiina u caqli celiya, annaguna haddan nahay dowladda waxaan siin doona fursad ay nolol cusub ku galaan, fursad ay cisi iyo karaamo kula noolaadaan dalkooda Allana ku caabduaan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxa oo guud ahaanba muslimiinta caalamku ay u dabaal degayaan.

Gudoomiye Jawaari ayaa yiri “Ciid wanaagsan kulu caamin wa antum bikheyr, marka ugu horeysa waan ugu hambalyeeynayaa shacbiga soomaaliyeed guud ahaanba munaasabaddan qiimaha weyn ku leh guud ahaan umadda muslimka ee ciidul adxa”.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xusay in sanadkaan ay shacbiga Soomaaliyeed ku ciidayaan si ka duwan sidii ay ku ciidi jireen ciidihii aynu kasoo gudubnay maadaama uu dalku yeeshay dowlad aan KMG aheyn islamarkaana ay Umaddu u wada taagantahay iney ka faa’ideystaan fursadda dowladnimo ee ay heystaan.

COMMENTS