November 30, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu noqday magaalada Muqdisho, kaddib booqashooyin uu ku tegay dalal ku yaalla Bariga Afrika.

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa madaxweynaha ku soo dhoweeyay garoonka diyaarada Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

COMMENTS