May 2, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu Magaalada Garoowe kaga soo qaybgaley shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga ee Madaxda Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Shirkaasi oo ay ka soo qaybgaleen madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Somaliya, ayaa lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin Hiigsiga 2016, Cahdiga cusub, dhismaha iyo isku dhafka Ciidamada Qaranka, qaybsiga kheyraadka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga Somalida ee ku dhaqan Kenya, Yemen iyo dalalka kale ee caalamka.

Madaxda, ayaa shirka ka dib ka soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo mustaqbalka dalka Soomaaliya la xiriira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaalkiisu uu qaatay muddo shan maalmood ah, ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan labada gole

COMMENTS