January 1, 2013 | Posted by admin

Muqdihu-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqashooyin rasmi ah ku kala bixin doona wadamada Britain iyo South Africa, isagoo madaxda wadamadaasi casuumaad ka helay.


Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Shabakaddan Duhur.com, ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu tagi doono marka hore wadanka Ingiriiska kadibna uu soo mari doono dalka South Africa, oo ay wada hadli doonaan labada madaxweyne.

Safarka Britain ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dambeeyay codsi ka yimid ra’isal wasaaraha Britain David Cameron, oo sheegay in loo baahanyahay in laga dhabeeyo isbadalka Soomaaliya.

Ra’isal wasaare xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, oo gaartay London, ayaa la kulantay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan.

Ilo xaqiiqda ku dhaw ayaa SN u xaqiijiyay in madaxweynaha ay ka sii horumartay, wasiiradda arrimaha dibadda, iyadoo la kulmi doonta xoghayaha arrimaha dibadda, Britain Wilyam Heeg, oo ay isla soo qaadi doonaan arrimo badan.

Britain ayaa markii ugu horreysay wafdigii ugu heerka sarreeyay Muqdisho u soo dirtay bishii February ee sanadkii hore, waxaana caasimadda Soomaaliya soo gaaray wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska.

Dhanka kale kulanka madaxweynaha ee madaxda Koofur Africa ayaa la sheegayaa in looga hadli doono sida Soomaalida south Africa joogta ay dalkooda ugu laaban lahaayeen, iyagoo helaya baasaboor rasmi ah oo la aqoonsanyahay.

Madaxweynaha ayaa madaxda South Africa, kala hadli doona arrimaha baasaboorka, oo muran badan uu ka dhashay, waxaana safarkiisa uu noqon doonaa midkii ugu horreeyay uu ku tago wadamada Koofur Africa iyo Britain.

COMMENTS