January 13, 2013 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran uu Hogaaminayo ayaa galabta lagu wadaa in ay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa kusii jeeda Dalka Mareykanka ay ka heleen Casuumad lamana oga inta Maalin ay Dalkaasi joogi Doonaan Madaxweynaha iyo Wafdiga Safarka ku wehlin doona.

Waa safarkii ugu horeeyay uu Madaxweynaha Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu ka tagi Doono Dalka Mareykanka lamana oga Qorshaha Socdaalkiisa iyo waxa uu rasmiyan uu salka ku hayo.

Waxaana Hada Xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia iyo Garoonka Aadan Cdade ee Magaalada Muqdisho laga dareemayaa Dhaq dhaqaaqa la xariira Safarka Madaxweynaha Somalia uu ku aadayo Dalka Mareykanka.

COMMENTS