London-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi Ballaaran oo uu Hogaaminayoa ayaa Saaka waxa ay gaareen Magaalada Landon ee Xarunta waddanka Briten
Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsanMadaxtoyada .
Madaxweynaha Booqashadaiisa dalka Ingiriiska ayaa waxa ay Ka dambeysay Casuumaad uu ka helay Madaxda waddankaasi.
Madaxweyanaha Iyo Wafdigiisa ayaa waxaa si weyn Loogu soo dhaweeyay Magaaaladaasi London isagoo kula Kulmi doono halkaasi Masuuliyiin uu ka mid yhay Ra’isal Wasaaraha dowladda Ingiriiska David Cameron
Madaxweyanaha iyo wafdigiisa ayaa shir uga soo qayb galay Magaalada Brussels ee waddanka Beluimka kaas oo ay lahaayeen Ururka Midowga Yurub.

All Posts
BBC 0400 GMT









