June 27, 2015 | Posted by admin

308x205xMadaxweyne-Xasan-Sh-Maxamuud1.jpg.pagespeed.ic.LJYwGvdbUB
Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay inay mar walba garab istaagayaan maamulka Soomaaliland.

Xasan waxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay sii wadista wada-hadalka ay kula jirto Soomaaliland, isagoo isla markaana farriin gaar ah u direy.

“Mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku wajahan Soomaaliland waa mid Soomaalinimo iyo Walaalnimo ku dhisan. Waan ugu hambalyeynayaa nabadda ay sameysteen. Ma dooneyno inaan colaad iyo dagaal ka hurino, ma dooneyno inaan dacaayad ka fidino, balse waxaan dooneynaa inaan la shaqeyno, wixii tabasho ah oo dhexdooda ka jirana aan la xalino, kadibna aan wadajir u wajahno baahida aan wada qabno ee ah Soomaaliya mideysan oo horumarsan”.

Madaxweyne Xasan waxuu hadalkan ka sheegay xuska 26 June oo ku aadan waqtigii ay gumaystaha Ingariiska ka kaceen gobollada waqooyiga halgan dheer kaddib.

Hadalka madaxweynaha waxuu ku soo aadaya xilli uu hakad ku jiro wada-hadallo ay dowladda dhexe kula jiray maamulka Soomaaliland oo sheegay inuu doono dalka ka madax banaan Soomaaliya.

COMMENTS