November 30, 2012 | Posted by admin
Madaxweyne xasan oo Muqdisho ku soo laabta

DUHUR -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugusoo laabtay Dalka kadib socdaal shaqo oo uu Madaxweynaha ku tagay dalal deriska ah.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo duhurnimadii maanta dib ugusoo laabtay Dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari,Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyey oo wafdiga ka mid ah Ra’isulwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdi uu hogaaminayo waxey socdaal shaqo ku tageen dalalka Jabuuti iyo Ethiopia halkaasi oo Madaxweynaha uu kulammo kulasoo qaatay madaxda dalalkaasi.

COMMENTS