November 1, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland oo ay hoggaaminayeen danjiraha iyo xoghayaha koowaad ee dalkaaas Swiss u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii ay dowladda Switzerland uga qayb qaadan lahayd  xasilinta dalka, dib u dhiska  iyo horumarinta.

Danjiraha Switzerland ee Soomaaliya ayaa u  sheegay madaxweynaha in ay markii hore ka caawin jireen Soomaaliya dhinaca bini’aadannimada, balse ay hadda iyo wixii ka dambeeya ballaarin doonaan qorshahooda, isla markaana ay dowladdda Soomaaliya ka taageeri doonaan siyaasadda, dib u dhiska gobollada iyo dib u habeynta  nidaamka maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guddoomay danjiraha warqad hambalyo ah oo ay u soo dirtay madaxweynaha Swiss Eveline Widmer Schlumpf.

COMMENTS