February 19, 2015 | Posted by admin

tplf
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Mekelle kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada waddan iyo arrimo kale oo gobolka ku saabsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi waxaa uu uga mahadceliyey dowladda Ethiopia doorka ay ka qaadaneyso nabadeynta Soomaaliya iyo sidii amniga gobolka loo sugi lahaa.

“Waan ku faraxsanahay iskaashiga inaga dhexeeya oo maalinba maalinta ka sii dambeysa sii kordhaya. Shacabka iyo dowlada Soomaaliya marna ma ilaabi karaan taageerada aad inoo fidiseen xiliyadii adkaa. Waxaana rajeynayaa inaan si buuxda uga wadashaqeyn doono in gobolka geeska Afrika uu noqdo gobol xasiloon oo gaara horumar lagu faani karo.”

Ra’siiul Wasaaraha Ethiopia Haile Mariam Desalegn ayaa isna madaxweynaha Soomaaliya mar kale uga mahadceliyey ka soo qeybgalkiisa xuska 40 guuradii ka soo wareegtay asaaska ururka TPLF, isagoo dhanka kalena ku amaaney dowladda Soomaalida dadaalka ay ugu jirto xasliinta waddanka.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo labada dal ka kala socdey.

Jamahadda TPLF ayaa la saasey sanadki 1975, sanad kadib markii ciidanka Mileterigu inqilaab talada Itoobiya kula wareegeen, waxaana ay dagaal adag la gashey hoggaankii milteriga ee Derg dalka Itoobiya, TPLF oo kaashaneysa Jamhaddii kale ee Ereteeriya EPLF ayaa xukunka Itoobiya la wareegtey sanadkii 1991.

COMMENTS