November 29, 2012 | Posted by admin

Madaxweyne Xasan oo la kulmay ra’iisul wasaaraha Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulan kula qaatay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya, xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca dhaqaalaha ee labada dhinac.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo shir-jaraa’id ay wada qabteen Hailemariam Desalegn ayaa sheegay inuu maqsuud ka yahay doowrkii ay Ethiopia ku lahayd  Soomaaliya muddadii burburka, wuxuuna sheegay in dowadda uu madaxda ka yahay ay ku dedaalayso xoojinta xiriirka iskaashiga ku dhisan ee labada dal.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha  Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ka jooga Soomaaliya ay sii joogi doonaan tan iyo inta Midowga Afrika ciidamada ka socda ee AMISOM ay kala wareegayaan dhammaan meelaha ay al-Shabaab ka saareen.

Socdaalka madaxweynaha uu ku tegay Addis Ababa ayaa qeyb ka ah safarro uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka soo kicitimay waddanka Jabuuti oo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu ku sugnaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii uu ku sugnaa dalka Jabuuti wuxuu la kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo sidoo kalena xarigga ka jaray dhismaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti.

Waa safarkii ugu horreeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya horraantii bishii September ee sannadkan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada

COMMENTS