July 29, 2014 | Posted by admin


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Raysulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed, qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa saaka boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Salaadda Ciidda kaddib ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu Masjidka Isbaheysiga kala hadlay Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ugu horreyn ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasibadda ciiddul Fidriga, isago sidoo kale ka hadlay Midnimada Umadda, iyo joojinta colaad Beeleedyada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan, isla markaana ay joojiyaan colaadaha aan mincaha badan ku dhisneyd ee dalka dib u celinaya, waxauna ku boorriyey dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo midnimo iyo wada hadal in ay isugu yimaadaan.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dhibaatada khilaafku u dalka Soomaaliya u leeyahay, wuxuuna mar kale hoosta ka xariiqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalladaasi.

Wuxuu madaxweynuhuu hey’adaha ammaanka ee dowladda faray in ay tallaabada ku habboon ka qaadaan cid walba oo hurineysa colaad shacabka lagu waxyeeleynayo, isagoo odeyaasha dhaqanka iyo culimada Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii colaadaha loo joojin lahaa.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in loo istaago sidii loo sii xoojin lahaa la dagaallanka Alshabaab, waxa uu waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dhallinyaradooda kala soo baxayaan Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celiyey in dowladdu diyaar u tahay soo dhaweynta cid kasta oo isaga xoo baxda Alshabaab.

Amaanka masjidka Isbaheysiga ayaa aad loo adkeeyey, waxaana si weyn loo baaray dhamaank dadkii gelayey masjidkaas oo ay xitaa ay ku jiraan shaqaalaha doladda Soomaaliya.

COMMENTS