April 16, 2014 | Posted by admin


Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo jeediyay in wadahadal, dib-u-heshiisiin iyo nabadeyn lagu dhameeyo khilaafka ka taagan degmada Taleex ee gobolka Sool.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ay dowladdu diyaar u tahay in dhamaan dhinacyada ay khuseyso ay kala shaqeyso xal u helidda khilaafka degmada Taleex.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu ka walaacsan yahay xaaladda ka soo cusboonaatay Taleex.
Wuxuu xusay in ay aad u dhibeyso in uu arko dhiig mar kale si macno-darro ah u data, wuxuuna ku taliyay in xaaladda la dejiyo, isla markaana fursad la siiyo nabadeynta iyo wadahadalka.

COMMENTS