August 27, 2014 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray dalka Turkiga, si ay uga qeyb-galaan xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid yahay madaxda caalamka ee lagu casuumay ka qeyb-galka xafladda caleema-saarka ee loo sameynayo madaxweynaha Turkiga oo ku guuleystay doorashdii madaxtinnimo ee dhawaan ka dhacday dalkaas.
Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda ee Xukuumada Federaalka, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga, Erdogan, oo horey u ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, ayaa waxaa lagu xasuustaa kaalintii weyneyd ee uu ka qaatay gurmadkii loo sameeyay shacabka Soomaaliyeed sanadkii 2012-kii, xilligaas oo macluul ba’an ay ka jirtay Soomaaliya iyo booqashadii tariikhiga ahayd ee uu ku tagay magaaladda Muqdisho.

COMMENTS