November 22, 2012 | Posted by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdi ka socday waddanka Britain ku wareejiyay dhulkii ay ka dhisan lahaayeen safaaraddooda cusub ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa wafdi uu hor kacayay safiirka Britain u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh ku soo dhoweeyay xarunta Villa Soomaaliya.

Matt Baugh ayaa sheegay inuu aad ugu farxay in lagu wareejiyay dhulkii ay ka furan lahaayeen safaaradda ay ku yeelan doonaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay waraaqihii safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Australia u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dalalka kale ee beesha caalamka inay safaaradahooda ka furtaan Soomaaliya, isagoo sheegay inuu soo dhoweynayo dal kasta oo doonaya inuu xiriir caalami la sameysto Soomaaliya.

COMMENTS