September 6, 2014 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay maanta dilka hogaamiyihii Alshabaab ee Axmed Godane.

War saxaafadeed luqada Englishka ku qornaa oo madaxweynuhu ka soo saaray arrintan ayaa waxa uu ku yiri: “Ciidamada Maraykanka waxa ay fuliyeen weeraro cirka ah ee ay ku qaadeen xarun tababar oo ku taal Koofurta Soomaaliya habeenimadii Isniinta 1da September,iyadoo lala beegsaday gaadiid iyo xubno Alshabaab ah.

“Hogaamiyihii Alshabaab Axmed Godane waxaa lagu diley weerarkaa isago iyo dhammaan dadkii la socday. Waxaan leeyahay xubnaha Alshabaab Godane dhinteay hadda waa fursad aad nabad ku qaadan kartaan.”ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in dowlada ogeyd weerarka ayna heshiis ku ahaayeen dowlada Maraykanka.

Xasan-Sheekh-170x114
“Ciidamada Maraykanka waxa ay fuliyeen weerarka duqeynta ah iyadoo dowlada Soomaaliya ay ogeyd raalina ka ahayd weerarka. Waa dagaal caalami ah oo loogaga soo horjeeo argagaxisada, dowlada iyo shacabka Soomaaliyeedna aad ayay u qadarinayaan taageerada heer caalami ah ha noqoto mid si toos ah ugu leh wadanka ama taageero tababaro iyo qalabaynta ciidamada dalka Soomaaliyaba.”

War saxaafadeedkan ayaa uu madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay xubanaha ka mid ah ururka Alshabaab inay ka faa’ideystaan fursada cafiska 45ka maalmood ah ee ay dowladu ku dhowaaqday, isagoo xusay inaysan oggolaan doonin kadib 45ka cisho in la cafiyo xubnaha ururka Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay sifeynayaan inta ka hartay ururka Alshabaab isagoo amaanay howlgalka la magac baxay Indian Ocean.

Hogaamiyihii Al-Shabaab ayaa ka mid ahaa raga loogu doon doonis badnaa, waxaana uu xilka hogaanka Shabaab uu qabtay sanadkii 2008-dii, Mareykanka ayaa madaxiisa dul saaray ilaa 7-milyan oo dollar.

COMMENTS