December 28, 2013 | Posted by admin


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalay shir madaxeedka dalalka IGAD loogana hadlayey xaaladda dalka South Sudan ayaa ku taliyey in IGAD ay juhdi walba ku bixiso sidiii xal loogu heli lahaaa colaadda South Sudan oo ajaanibta ku nool ay mid yihiin kumanaan ganacasato Soomaali ah.

Shirka madaxda IGAD oo lagu soo gabogabeeyey xarunta madaxtooyada ee Nairobi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omer Gelle, Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailamarian Deselegn, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Sudan Bakri Xasan Saleh iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee South Sudan.

Kulankan ayaa warbixin looga dhageystey booqashadii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD ay ku tageen magaalada Jubba, South Sudan 19kii ilaa 21kii December 2013. Dr Tedros oo ku hadlayey magaca Wasiiradda IGAD ayaa sheegay in Dowladda South Sudan iyo kooxaha ka soo horjeeda ay oggolaadeen dhexdhexaadin iyo xabad joojin si xal loogu helo khilaafaadka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay muhiim tahay in IGAD ay si wadajir ah oo deg-deg ah ugu tafaxeytaan sidii xal deg-deg ah looga dhalin lahaa collaadaha ka jira South Sudan.

“Waa inaan muujinaa dadaal kasta oo aan u joojineyno dhiiga daadanaya, isla markaana aan u dhexdhexaadin laheyn kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo dowladda si nabad iyo amni looga dhaliyo South Sudan” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Soomaaliya 22 sano oo collaado iyo rabshado ah baan soo aragnay, sidaas daraadeed, waxaan ka digeynaa in collaadaha ka bilowday South Sudan ay sii dabo dheeraadaan, waana in Dowladda lagu taageeraa qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta oo ay hormuud ka noqotaa bacdamaa ay heysato sharciyadii dalka. Soomaaliyana diyaar bey u tahay inay waayo aragnimadeeda uga faa’iideyso South Sudan” ayuu sidoo kale yiri madaxweyne Xasan.

Colaadda ka taagaan koonfurta Sudan oo gashay maalintii 13-aad ayaaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,000 ruxuu, waxaana madaxda IGAD dhinacyada dagaalamaya u qabteen iney muddo 4 maalmood ah dagaalka ku joojiyaan.

IGAD ayaa sheegtay in haddii dagaalku ku joogsan waayo 4 maalmood ay qaadi doonaan tilaabo aysan shaacin, waxaana dhanka ka la filayaa iney Koonfurtsa Sudan gaaraan ciidamo dheeraad oo ku biiraya kuwa nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

COMMENTS