June 10, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Waxaa Soo Baxaayo in dhaqaalaha ugu badan ee loolanka masharaxiinta u taagan in ay xiligaan noqdaan madaxweynayaal eey kala wataan Musharaxiintan kala la ah:
Sheikh Shariif oo ah Musaraxa ugu lacagta badan xiligan

Shariif Xasan ,Cali Maxamed Geedi iyo Farmaajo kuwaa oo iyana lacag badan ka helay dowladahii soo maray Soomaaliya.

Loolanka masuuliyiintaan ayaa ka dhigay xiligaan kala iibsiga madaxweeynanimada midkii ugu badnaa ebid , waxaana ugu badan Sheikh Shariif waxuu wataa 50 Malyan USD oo ku bixinaayo in mar kale uu noqdo madaxweyne waaana la dhihi karaa kala iibsiga xildhibaanada uu durbaba gaaray lacagtii ugu badneed ebid qof madaxweynanimo doonaayo oo la soo shir tago

Madaxweynaha waaa ku xixiga xaga lacgata Shariif Xasan oo isagi wato lacag u dhiganto tan uu wato madaxweynaha waxaana la dhihi karaa waa mid keeni karto in mar kale la helo madax ku soo baxdo laaluush aysan noqon kuwa shacabka rabaan waloow labadaasi masuul ee kala ah Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan beesha caalamka cadaasi ku sareysa in aysn mar kale masraxa siyaasada Soomaliya ku soo noqon madaama lagu eedeeyey lunsasho hanti badan oo qaranka Soomaliya loogu tala galay

Cali Maamed Geedi oo wasiirka koowad ka soo noqday Dowladii Col Cabdulaahi Yuusuf oo horeyna u sheegay in uu yahay 50 jir 50 malyan USd heysta ayaa isaguna heysta lacag aad u badan oo lagu qiyaasay 35 Malayan USD ayaa la soo sheegayaa in uu boorsada furay si uu xilka madaxweynanimada Soomaaliya mar uun u noqdo waxase la ogeen in lacagtaas kaafin doonta madaama siweyn looga lacag badan yahay

Farmaajo ayaan isaguna dab yar shideynin madaama uu heysto lacag badan uu helay xiligii uu aha wasiirka koowaad ee Soomaaliya iyadoona lagu eedeeyey in uu lunsaday 70 Malyan USD xiligii uu xilka haayey waxaana la soo sheegayaa in kaanbeenkiisa kala iibsiga xildhibaanda ugu tala galay 30 Malayn USD balse waxase isaga hor taagan Dowladii xilka ka xayuubiyey ee Yungandha iyo Etoobiya kuwaa oo siweyn uga soo horjeeda in xil uu qabto Farmaajo

COMMENTS