February 1, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in haddii ay jiraan waxyaabo uu maamulka Somaliland ka tabanayo koonfurta dalka ay dowladdiisu diyaar u tahay inay ka xaalmariso, islamarkaana ay ka raaligeliso dhibaatooyinkii horey u dhacay.

Sheekh Shariif ayaa hadalkan ka sheegay xaflad loo sameeyay sanad guuradii saddexaad ee ka soo wareegatay markii uu qabtay xilka madaxtinnimada oo lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, wuxuuna xusay inay dowladdiisu taageereyso nabadda iyo horumarka laga gaaray deegaannada maamulka Somaliland.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inay sidoo kale ka shaqeynayaan sidii gobollada oo dhan looga dhisi lahaa maamul goboleedyo ay dadka deegaanku sameystaan, isagoo isfahamka maamulka Puntland iyo dowladda dhexe iyo wada shaqeynta Ahlu Sunna Waljamaaca ku tilmaamay mid muhiim u ah Soomaaliya.

Dhinaca kale, madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu ku deddaalayo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka baarlamaanka, isagoo ballan qaaday in la abaalmarin doono cid kasta oo gacan ka geysata heshiiskaasi.

Bishii January ee sanadkii 2009-kii ayaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed loogu doortay inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya shirkii dib-u-heshiisiinta ee ka dhacay dalka Jabuuti.

COMMENTS