-DUHUR-Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku tegay dalka Sudan ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Khartoum dhiggiisa dalkaas Cumar Xasan al-Bashiir.
Sheekh Shariif oo shalay gaaray Khartoum waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay madaxweynaha dalka Sudan, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada waddankaas.
Labada madaxweyne ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, sida aynu ka soo xiganay u qeybsanaha safaaradda Soomaalida ee Sudan dhanka waxbarashada Cabduqaadir Maxamuud Cali Guulane.
Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale ka warbixiyay horumarka dowladda ay ka gaartay dhanka ammaanka iyo isbeddellada Soomaaliya ka socda iyo ka bixitaanka nidaamka kumeel gaarka ah.
Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan al-Bashiir ayaa isna sheegay in dowladdiisu ay sii laba laabi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, isla markaana ay aad u soo dhoweynayaan ardayda Soomaalida ee wax ku barta dalkaas.
Sheekh Shariif ayaa la filayaa in uu maanta kulamo la yeesho Jaaliyadda iyo ardayda Soomaalida ee dalka Sudan.

All Posts
BBC 0400 GMT









