December 9, 2012 | Posted by admin

Wareegtadan oo muran badan dhalisay ayaa ugu dambeyn lagu heshiiyey in la joojiyo, iyada oo aftidii dastuurka loo qaadi lahaa ay sideedii ahaan doonto. Aftida ayaa dhici doonto 15ka bishan December.

Ka noqoshada wareegtada ayaa timid ka dib markii shalay saacado badan uu kulan ka socday guriga madaxtooyada Masar. Go’aankan la gaaray ayaa wali waxaan jawaab ka bixin isbahaysiga mucaaradka oo aan iyagu kulankaba ka qeyb galin.

Shir ay maanta yeelanayaan ayey sheegeen inay ka soo saari doonaan jawaab ku aaddan wareegtada uu Madaxweyne Mursi ka noqday.

COMMENTS