February 24, 2015 | Posted by admin

Geelle
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay hanjabaad Alshabaab u jeedisay suuqyada ganacsiga Mareykanka, USA iyo Canada.

ISagoo wareysi siinayey VOA ayuu madaxweynaha Jabuuti sheegay in hanjabaadda Alshabaab aanay waxba ka jirin oo uu Ururkaasina gabo gabo marayo, sida uu yiti.

Ismaaciil Cumar Geell ayaa tilmaamay in aan loo baahneyn inaan la buun buunin “Meel ay Itaal u leeyihiin oo ay ku weerari karaan ma jirto, waxay joogaan waa gabo gabo” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha xuduuda Jabuuti uu la wadaago dhinaca Maamulka Somaliland, waxaana uu xusay inay sare u qaadeen amniga xuduuda iyo in la sameeyo koontarool xoogan.

“Arrinta Xuduuda koontarool baa jiro, lama hakin, waxa kaliya waaye in si hagaag loo baaro, sababta ay ku timidna waa digniinta iyo taxadarka weeyaan” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Alshabaab ayaa dhawaan soo saaray cajal maqal iyo muuqaal ah, kaasoo ay taageerayaashooda galbeedka ay uga codsanayaan iney weeraraan suuqyada USA, UK iyo Canada.

Mareykanka ayaa shaaciyey inuu hanjbadaas u qaadanayo si dhab ah, wuxuuna aad u adkeeyey amaanka Suuqa Mall of America ee ku yalla gobolka Minnesota.

COMMENTS