July 24, 2014 | Posted by admin

Madaxwaynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlaayay Xiriirka ka dhexeeyo Dowlada Federaalka Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu yahay mid heer wanaagsan maraayo.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay in maamulka Puntland iyo dowlada federaalka ah ay ka dhexeeyaan arrimo badan oo muhiim ah, sida Siyaasada, wadashaqeynta iyo Arrimo badan oo Salka sidaas darteedna loo baahan yahay in la xoojiyo wada shaqaynta labada dhinac.

‘’Xiriirka nagala dhexeeyo Dowlada Federaalka Somalia wuusii kordhi doona waxa uuna hada marayaa meel wanaagsan inta harsana wan sii xoojin doona’’ ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas, ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamay in wada hadalku yahay furaha kalsoonida ummadda, wuxuuna xusay in wada shaqaynta labada dhinac ay tahay lagama maarmaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in wada shaqaynta wanaagsan uu saldhig u yahay ku dhaqanka dastuurka u degsan dalka.
Cabdiweli Gaas ayaa hadalka ka jeediyey kulan baarlammaanka maamulka Puntland uu maanta ku yeeshay xaruntiisa Garoowe.

COMMENTS
  1. deeq xusen said:

    Aad iyo aad ayaan ugufaraxsanahey wada shaqeynta uu Dr. Gaas kudhawaaqey
    waa nin wax garad ah danta somaliyana wada hadal ayay kujirtaa
    waxan joogaa Ethiopia