August 17, 2017 | Posted by admin

Muqdisho, 16 Ogosto 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xalay ku geeriyooday magaalada San Diego ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan diblumaasi ruug caadaa ah oo daadaal iyo wakhti dheer galiyey kobcinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

“Alle ha u naxariistee, Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu ahaa shakhsi muddo dheer usoo shaqeeyey dalka. Marnaba ma ilaawi doonno kaalinta uu ka qaatay kobcinta maqaamka iyo magaca Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Marxuum Cabdiraxmaan ayaa dowladdii dhexe kasoo qabtay xilal kala duwan sida Ra’iisul Wasaare K/xigeen, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo kor u dhaafaysa 10 sano uu soo hayey xilkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryey naxariis iyo dambi dhaaf, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: [email protected]

Flicker: //www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: //www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

COMMENTS