October 15, 2017 | Posted by admin

Muqdisho, 15 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ahaa ee ku dhawaacmay qaraxii argagixisada ahaa ee lagu bartilmaamsaday isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo qof qof u dul istaagay dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda waxyeeladu ay ka soo gaartay falkaan wuxuushnimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu.

“Carruuta, haweenka, dhalinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynaayo iyo goobaha kale ee ku waxyeeloobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday isgooyska Soobe oo ah halka uu ka dhacay qaraxu, waxa uuna kormeeray baaxadda ay le-egtahay khasaarada iyo dhibaatada soo gaartay dadka maatada ah ee ganacsiga iyo deegaanka kulahaa halkaas.

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa insha Allaahu, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa wadada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, wadadaasina waa in aan midownaa oo si wada jir ah uga soo horjeesanaa cadawgaas.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Xarunta Keydka Dhiigga ee Cisbitaalka Ordogaan, halkaas oo uu dhiig u shubay muwaadiniinta dhaawacan, isagoona dhammaan ugu baaqay in si deg deg ah loo tago goobaha dhiig bixinta si gurmad dhiig loogu fidiyo dadka dhiigga u baahan.

DHAMMAAD-

COMMENTS