April 11, 2018 | Posted by admin

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomalia mudane maxamad cabdullahi farmaajo ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu socdaal muhiim ah ku tago seddex wadan oo ku yaala khaliijka carabta.

 

Waxaan si gaar ah u helay Xog buuxda oo ku saabsan socdaalka madaxweyne farmaajo uu isbuucaan ku tagi doono qaar kamid ah wadamada carbeed ee khaliijka ku yaala.

 

Safarka koowaad ayaa lagu wadaa in madaxweyne farmaajo maalinta jimcaha ee nagu soo wajahan uu ku tago wadanka sacuudiga iyadoona socdaalkaas uu yahay mid muhiimad gaar ah xambaarsan.

 

Socdaalka madaxweyne farmaajo ee dalka sacuudiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay dhowr waji waxaana ugu muhiimsan mashaariic horumarineed oo ay kala saxiixan doonan dowladdaha soomalia iyo sacuudiga sidoo kale dowladda sacuudiga ayaa waxa ay dhex dhexaadineysaa soomalia iyo imaaraatka carabta oo isku haya arrimaha la xidhiidha heshiisyada sharci darrada ah ee imaaraat-ka carabta uu la galay qaar kamid ah maamullada soomalia sida soomaliland iyo puntland.

 

Si gaar ah dowladdaha soomalia iyo imaaraat-ka carabta ayaa waxa ay isugu hayan heshiiska sharci darrada ah ee imaaraat-ka uu kula wareegay dekedda berbera iyo saamiga uu ka siiyay dowladda itoobiya.

 

Safarka labaad ee madaxweyne farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ku tago wadanka imaaraat-ka carabta balse waa haddii ay guul ku soo dhamaadaan wada hadalada iyo dhex dhexaadinta uu wado sacuudiga waxaana lagu wadaa in madaxweyne farmaajo iyo Dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheekh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ay ka wada hadlaan arrimo quseeya siyaasadda, horumarinta iyo dhaqaalaha.

 

Xiriirka soomalia iyo imaaraat-ka carabta ayaa shaki weyn galay wixii ka dambeeyay heshiisyadii sharci darrada ahaa ee imaaraat-la galay maamulka soomaliland waxaa kaloo xusid mudan in magaalada muqdisho lagu qabtay maalin ka hor lacag aad u fara badan oo gaareysa 9.6 milyan oo dollar taasi oo laga keenay imaaraat-ka carabta dalkana kusoo gashay si sharci daro ah balse ciidamada ammaanka soomalia ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan lacagtaas dalka soo gashay iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda imaaraat-ka carabta ay cambaareysay falka ay dowladda soomalia ku qabatay lacagta oo ay sheegtay in loogu tala galay ciidamada qalabka sida ee soomalia balse dowladda soomalia ayaa ka jawaabtay eedeynta uga timid imaaraat-ka iyadoona sheegtay in safaaradda imaaraat-ka ee muqdisho ay diiday in la baaro boorsooyinka lacagta ay ku jirto taasina ay keentay in dowladdu la wareegto lacagta.

COMMENTS