February 20, 2013 | Posted by admin

Jigjiga– Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalita Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa yiri waxaan si cad idiinku sheegayaa in  Itoobiyada Cusub aysan ahayn tii cadowga ku ahayd Soomaaliya Itoobiyada Cusub waxay jeceshahay wanaaga Soomaaliya Itoobiya maanta si dhab ah ayey u rabtaa horu marka dalka Soomaaliya iyo xasuloonidiisa” ayuu yiri madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in horu marka dalka Itoobiya uu ku xiranyahay horu marka dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in Itoobiyada cusub ay go’aansatay  iney ka shaqeyso taageerida wanaaga iyo horu marka dalka jaarka ah ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Cabdi Max’ed Cumar ayaa shaaca ka qaaday in rabitaanka ugu danbeeya ee dalka Itoobiya uu yahay iney meesha ka baxdo colaadii soo jireenka ahayd ee ka dhex taagneed laba dal isla markaane  ay ku wada noolaadaan iskaashi xiriir wanaagsan iyo deris wanaag,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in Itoobiya aysan ahayn tii hore ee cadowga ku ahayd dalka Soomaaliya.

Dhibaatada Soomaaliya dadka ugu horeysa ee ay saameynayso waa Itoobiya hadii Soomaaliya ay horumar ku talaabsato waa anaga dadka ugu horeeya ee ka faa’iideysanaya ayuu hadalkiisa kusii daray madaxweynaha ismaamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar wuxuuna hadalkiisa raaciyey in Itoobiyadii colaada u haysay Soomaaliya uu waqtigeedu dhamaaday.

COMMENTS