March 27, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Yemen Abdu Rabu Mansour Hadi oo Arbacadii ka cararay Qasriga Madaxtooyada Magaalada Cadan, ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Riyadh ee Xarunta Wadanka Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha waxaa la rumeysan yahay in dhinaca badda uu kaga baxsaday Magaalada Cadan, markii Arbacadii diyaaradaha Xuuthiyiinta ay dhowr gantaal ku dhufteen Madaxtooyada Magaalada Cadan. Warar kalana waxay sheegayan in diyaarad uu ku tagey Riyadh.

Telefishinka Qaranka Sacuudiga, ayaa caawa soo bandhigay muuqaalka Madaxweyne Abdu Rabu Mansour Hadi, iyadoo si diiran loogu soo dhaweynayo Magaalada Riyadh.

Madaxweynaha waxa uu Riyadh kula kulmi doonnaa Madaxda Sacuudiga, oo uu kaga mahadcelin doono taageerada Dowladdiisa, si looga qafiifiyo awooda kooxaha Xuuthiyiinta.

Madaxweynaha Yemen, ayaa Sabtida gaari doono Magaalada Sharm el-Sheikh, si uu kaga qaybgalo shirka Madaxda Jaamacadda Carabta, oo Khamiista ka furmi doono Magaaladaasi.

Hawlgalada dhinaca cirka ee Sacuudiga uu hormuudka ka yahay, ayaa waxaa durbaba qaylo dhaan ka muujineysa Dowladda Iran, oo iyadu ku baaqeysa in si deg deg ah lagu joojiyo hawlgalka ka dhanka Xuuthiyiinta.

COMMENTS