March 29, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya shir madaxeedka waddamada Jaamacadda Carabta ayaa kulamo muhiim ah la yeehay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Carabta.

Madaxda uu Madaxweynaha la kulmey ayaa waxaa ka mid ah Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiiriirka labada dal, isagoo madaxweynaha dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Amiirka Qatar, Sheikh Tamim Bin Xamad Al Thaani ayaa sheegay in dowladdiisa ay taageeereyso barnaamijyada dib u dhiska Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku xisaabtamaan taageero shuruud la’aan ah oo uga imaneysa walaalahooda reer Qatar.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa sidoo kale uu kulan la qaatey Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabaax Al-Axmad Al-Jaaber Al-Sabaax oo ay is dhaafsadeen xog wareysi ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo doorka Kuwait ay ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha kulan muhiim ah la qaatey Boqor Cabdalla-ha dalka Urdun oo ay ka wadahadleen arrimo la xiriira iskaashiga labada dal iyo taageerada Urdun u fidineyso Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay taageerada Urdun, iyadoo sidoo kale labada dal ay ku heshiiyeen oo kale inay is dhaafsadaan wufuud ka shaqeyn doonta iskaashiga labada dal.

Kulamada Madaxweynaha uu la qaatey hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka waxaa ka mid ah kulan uu la qaatey Madaxweynaha Ciraaq Fu’aad Macsuum, iyo kulan kooban oo uu la yeeshey Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulamada madaxweynaha uu la yeeshey madaxdan kala duwan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Maaliyadda, Cabdisalaam Cumar Hadliye, Maxamed Aadan Ibraahim , Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Masar iyo mas’uuliyiin kale.

COMMENTS