January 25, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta booqasho ku tagey magaalada Muqdisho ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa sagootiyay Madaxweyanaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Erdogan ayaa isla maanta xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo Turkigu ka hirgaliyay Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday kuwo kale oo dalkiisu Soomaaliya ka hirgalinayo sannadaha soo socda.
Isla maanta, labada dowladood ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo ay isaga kaashanayaan dhinacyada horumarinta, difaaca iyo is-dhexgalka bulshooyinka labada dal.
Madaxda iyo shacbiga Soomaaliyeed ayaa ka mahadceliyay booqashada Erdogan ee Muqdisho iyo taageerada joogtada ah ee Turkigu la garab taagan yahay Soomaaliya.

COMMENTS