December 5, 2012 | Posted by admin

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaallo madaxda dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ankara kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka socotay wadanka Turkiga,mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkasi Turkiga, Jaalliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku nool.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa la filaya in maanta  waxa uu Ankara kula kulmo dhigiisa dalkaasi Madaxweyne Cabdalla Guul ayadoo maalinta ku xigtana uu la kulmi doono Ra’isulwasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayib Erdogan.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka mid ah Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Maalliyadda.


COMMENTS