October 23, 2012 | Posted by admin


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga, Giulio Maria Terzi.
Kulanka kaddib, madaxweyne Xasan Sheekh iyo Giulio Maria Terzi ayaa saxaafadda uga warbixiyay waxyaabaha ay ka wada-hadleen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashada wafdiga Talyaaniga uu billow wanaagsan u yahay xiriir dhexmara dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, kaddib xilliga KMG-ka ahaa ee uu dalka ka gudbay.
Waxa uu sheegay inay ka wad aarrinsadeen sidii Talyaanigu uu u laba jibbaari lahaa taageerrada uu siiyo Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga, Giulio Maria Terzi ayaa siguna sheegay in labada dowladood uu ka dhaxeeyo xiriir wanagsan, ayna xoojin doonaan xiriirka labada dhinac.
Terzi waxa uu sheegay in dowladda cusub ay taageero u fidinayaan, isagoo dowladdana ugu baaqey inay la timaadado waxqabad muuqda, si dalka dhibaatada looga saaro.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday deeq-bixiyeyaasha caalamka, kuwaas oo uu kala hadlay arrimaha Soomaaliya iyo sidii dhaqaale lagu socodsiiyo howlaha dowladda cusub ugu taageeri lahaayeen.

COMMENTS