December 8, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maanta kasoo dagay garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho, asagoo ka soo laabtay dalka Turkiga oo maalmahan uu booqasho ku marayey.

Madaxweyne Xasab Sheekh ayaa ka hadlay qaraxyada soo laalaabtay ee maalmahaan la kulmeysay Kenya, haba ugu badnaato magaalada Caasimadda ah ee Nairobi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi, ee ay ku dhinteen ilaa 3 ruux, 8 kale oo uu ku jiro xildhibaan Yuusuf Xasan ay ku dhaawacmeen.

Shir jaraa’id oo uu wariyeyaasha ugu qabtay Garoonka diyaaradaha ayuu madaxweynaha tacsi ugu diray madaxda Kenya iyo shacbkooda dhibaatadii xalay ka dhacday Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegey in sababta loo weeraryo Kenya ay tahay taageerada sida uu sheegay ay siiyeen Soomaaliya.

“Aad iyo aad ayaan uga xunahay in dad muslimiin oo salaad soo dukaday la weeraray, qaarna dhinteen, dad mas’uuliyiin ku jireen dhaawacmeen, waxaa tacsi u direynaa shacabka reer Kenya iyo dadkii dhintay eheladooda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo garoonka Muqdisho kula hadlayey weriyaasha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya iska kaashan doonaan sidoo loo heli lahaa amaan buuxa oo labada dalba ku noolaadaan.

Kenya ayaa todobaayadii ugu dambeeyey wajaheysay weeraro is-dabajoog ah oo ay ku qaadayeen Alshabaab iyo qolooyin taageersan oo ku sugan gudaha Kenya.

COMMENTS