December 23, 2012 | Posted by admin

Iyadoo xiligaan ay jiraan dhibaatooyin badan oo dadk Soomaaliyeed ay kala kulmaan ciidamada Kenya ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowlada Kenya uu kala hadlay arimahaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dowlada Kenya uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka loo geesto shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha umada Soomaaliyeed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee dalka Kenya u yimaadeen nadgalyo iyo waliba kalsooni.

Wuxuu sheegay in hay’adaha ammaanka dalka Kenya uu si gaar ah ugala hadlay in dadka Soomaalida aan la iska xirxirin marka ay dhacaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee dalkaasi.

Hadalkaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka sheegay kulan uu la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed eek u nool wadankaasi Kenya kaasi oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Haatan ayaa waxaa jira maxaabiis badan oo ku xiran xabsida wadankaasi Kenya kuwaasi oo loo qabtay qaraxyo iyo falaal kale oo ka soo horjeeda amaanka oo ka dhacay wadankaasi Kenya.

COMMENTS