December 13, 2012 | Posted by admin


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in gobalada jubooyinka ay ka midyihiin gobalada Soomaaliya isla markaana maamulkooda ay leedahay dowlada Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay xili uu waraydi siinayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, asagoona sheegay dowladaha dariskana in ay arintaasi ogyihiin.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay muujisay taageero ballaaran oo u hayso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda intaba islamarkaana aysan jirin arin ay ku kala duwan yihiin Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay falalka ka soo horjeeda amaanka ee ka dhaca wadanka Kenya ay qaarkood salka ku haayaan in la joojiyo taagerada Kenya ay siiso Soomaaliya.
Xasan Sheekh maxamuud ayaa dhanka kale ka hadlay Isbaarooyinkii laga qaaday madaalada Muqdisho iyo waliba sida haatan laga yeelayo dhalinyarada isbaarooyinka laga qaaday.
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan dowladda Soomaaliya ee laga qaaday goobaha isbaarooyinka inay dowladda Soomaaliya uwado qorshayaal kala duwan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuuu sheegay in dhalinyarada laga qaaday isbaarooyinka aysan macnaheedu aheyn inay iska kala tagaan isaga oo tilmaamay inay usocdaan qorshayaal.
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Kenya ay door muuqato ku leedahay siyaasadaha iminka ka taagaan Gobalada Jubbooyinka.

COMMENTS