September 26, 2014 | Posted by admin

405x270x10444557_1469221400018723_7801532348713149325_n.jpg.pagespeed.ic.C_qGEWrDu2
Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud iyo xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon ayaa si wada jir ah magaalada New York uga furay shir looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Waxaa ka qayb-galay kulanka arrimaha Soomaaliya looga hadlay guddoomiyaha Midowga Afrika iyo wakiillo ka kala socday Bankiga adduunka iyo wadamada daneeya Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka sheegay waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa, isagoo xusay in siyaasada dowladdiisa ku dhisan tahay wada tashi, si dadka oo dhan looga qeyb geliyo tallabooyinka ay aayahooda ku go’aaminayaan.

Sidoo kale,madaxweynaha ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay ku guuleeysteen in maleeshiyaadka Shabaab 75% laga saaro gobolada bartamaha iyo kofurta dalka.

Xasan Sheekh waxuu tilmaamay in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ay ka socoto shirir dib u heshiisiin ah, isagoo hoosta ka xariiqay in sare loo qaaday hanaanka maaliyadda dalka.

Xog-hayaha Gguud ee Qarmada Midoobay Ban ki-Moon oo isna kulan ka hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku talaabsaneyso.

Dlamini-Zuma, guddomiyaha guddiga Midowga Africa ayaa iyaduna shirka ka sheegtay in midowga Africa uu baadhayo eedaha ciidamada AMISOM loo jeediyay ee ku aadan inay kufsi ka geysteen gudaha Somalia.

Wasiirka arrimaha dibada mudane C/raxmaan Beyle ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyo wax qabadka dowladda ee sanadkii tegay.

”Waxaa la isku wada raacay waxaa weeyaan in tallaabooyin badan la soo qaaday, waxaa kaloo la isku raacay in shaqo badani harsantahay in kastoo shaqooyin badan la soo qabtay, waxaa kaloo la isku raacay in beesha caalamku ay gacan siin doonto Soomaaliya, si loo gaaro doorashooyin xalaal ah sanadka 2016-ka” sidaasi waxaa yiri wasiiraka arrimaha dibadda oo ka hadlay waxyaabihii ka soo baxay shirkaasi.

Madaxweyne Xasan oo ka qayb-galaya shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,waxaa lugu wada inuu maalinta berri ah uu ka jeediyo khudbad dheer oo u ku faah faahin doono xaaladda dalka.

___

COMMENTS