October 17, 2014 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu si weyn u taageeray heshiiska ay Xukuumadu la gaartay Maamul Goboleedka Puntland.
War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha, ayuu kaga hadlay heshiiska uu saxiixay Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ee Talaadadii lala gaaray Puntland.

“Waxaan soo marnay sanado badan oo dhib badan, wada hadal dhex mara Soomaalida ayaa ah wadada horey loogu socon karo, taasi oo xaqiijineysa Soomaaliya oo nabad ah islamarkaana degan.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan aqoonsanahay guusha ay Puntland gaartay 16-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo xoojisay, islamarkaana dhistay hay’ado awood leh, Puntland wax badan ayay ka geysan kartaa dhisida Soomaaliya oo awood leh, dimoqraatik ah, islamarkaana mideysan.”

Madaxweynaha, ayaa ku waramaaya in toddobaadyada soo socdo ay samayn doonaan Guddiyada Xuduudaha, Federalka iyo Doorashiinka, ee lagu wado inay dalka ka qabsoomto sanadka 2016-ka.

“Hiigsiga sanadka 2016 waxaa qayb ka ah arrimo badan oo wax ka bedeli doono Siyaasada Soomaaliya, todobaadyada soo socda waxan rajeynayaa in horumar laga samayn doono qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin samaynta Guddiyada Xuduudaha, Federalka iyo Doorashooinka.” ayuu yiri Madaxweyne Xasn Sheekh Maxamuud.

Wuxuu intaa raaciyay “Waan in aan taageernaa dhismaha u ogolaanaya dowladda Federaalka ah in ay sii wado gaaritaanka Maamulada KMG ah, iyadoo loo marayo wada hadal, xili uu sii socdo samaynta Maamulada Federaalka ah. Waxaan rajeynayaa in la dardargelin doono hawsha dib loogu eegayo hirgalinta Dastuurkena Federaaka, maadaama sanadka 2016 isku diyaarineyno Doorashooyin loo dhanyahay.”

COMMENTS