January 26, 2015 | Posted by admin

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya, ayaa waxa uu si dad-ban uu u weeraray Xildhibaanada Baarlamaanka, oo iyagu ka biyo diidan in Golaha Wasiirada lagu soo daro shakhsiyaad, ay horey kaga diggeen.

Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, ayaa balanqaaday in la soo dhisi doono Xukuumad loo dhan yahay, oo bulshada oo idil ay iska arki doonto.

Madaxweynaha wuxuu soo hadalqaaday xubnaha sheeganaaya inay iyagu ku mideysan yihiin badbaada Qaranka, isla-markaana ay wax aanu filayn ku noqotay inay ka horyimaadaan Xukuumadda cusub.

Waxa uu ugu baaqay in aragtidooda siyaasadeed ay noqoto mid ay ku badbaadanayaan Qaranka, oo aynaan noqon mid ay dalka kaga horjoogsanayaan horu-socod uu sameeyo.

Madaxweynaha, ayaa soo hadalqaaday in Golaha Wasiirada lagu soo dari doono qaar ka mid ah Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed Maxamed, oo aynaan dhammaantood soo wada noqon doonin.

Dhinacyada siyaasadda, ayaa wuxuu ugu yeeray inay taageeraan Xukuumadda cusub ee la soo dhiso doono, oo sida uu sheegay noqon doonto mid ay iska dhex arkaan dhammaan qaybaha qabaa’ilada Somalida.

Madaxweynaha waxa uu hadalkiisaan ka dambeeyay, ka gadaal markii Magaalada Muqdisho ay galabta Xildhibanaada Baarlamaanka kaga dhawaaqeen inay midoobeen labadii Kudladood, ee ka soo horjeeday in liiska magacyada ee Golaha Wasiirada lagu soo daro shakhsiyaadkii ay diidanaayeen.

COMMENTS