January 28, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadley istaraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinaca la dagaalanka argagixisada, iyo saameynta barnaamijkani ku leeyahay goosashada xawliga ah ee xubno ka tirsan Al Shabaab uga soo goosanayaan ururkaasi.

“Mar walba irdaha way u furan yihiin kuwa iska fogeeya fikirka wax burburinta ee Al Shabaab ee diyaarka u ah inay nabadda qaataan.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Talaabadan ayaa dabajoogta markii liiska cunaqabateynta laga saarey taliye sare oo hore uga tirsanaa Al Shabab, Sheekh Maxamed Saciid Maxamed Atam, goosashadii Zakariya Ismaaciil Xirsi (Zaki), goosashadii dhowaan ee taliye Xuseen Dhubi oo ka dhacdey degmada Luuq bishan January 15-keeda, iyo kororka tirada maliishiyaadka caadiga ee isaga soo cararaya kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa si cad u muujiyey sida ay uga go’an tahay sugidda amniga qof kasta oo ka hara ama diida mabda’a Al Shabaab ee ku saleysan wax burburinta iyo colaadda, isla markaana qaata hanaanka nabadda: “Waxaan u sheegayaa xubnaha Al Shabaab ka tirsan ee aan la dhacsaneyn fikradaha qaldan ee Al Shabaab in albaabadu ay mar walba u furan yihiin, gaar ahaan kuwa diida ee ka soo horjeesta fikirka wax burburinta ee Al Shabaab, isla markaan diyaarka u ah inay nabadda qaataan.”

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadley goosashadii dhowaan ay xubno sare oo Al Shabaab ka tirsan uga soo goosteen ururkaas: “Hoggaamiyeyaal sare oo Al Shabaab ka tirsan ayaa horey u soo goostey, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya-na waxay gacan ku siisey in laga qaado cunaqabateyntii hore u saarneyd. Waxaan mar kale u xaqiijinaya shacabka Soomaaliyeed in talaabadan aan si sahlan loo qaadin oo ay jireen qodobo muhiim ah oo la tixraacey. Hoggaamiyeyaashaasi si dhab ah ayay uga qoomameeyeen ugana towbad keeneen falalkii ay hore u sameeyeen. Waxay bilaabeen, welina ku guda jiraan dib u heshiisiin, gaar ahaan iyagoo si gaar ah ula hadlaya dadkii ay saameeyen falalkii ay hore u sameeyeen. Waxay si niyad leh ay goobo fagaare ah ugu cambaareeyaan Al Shabaab iyo fikradahooda oo aan wax sal ah ku lahayn Soomaalinimada iyo Islaamka intaba, iyagoo weliba sawir ka bixinaya nolosha cabsida iyo argagaxa leh ee ka dhex jirta ururkan aan diinta wax shuqul ah ku lahayn, sida cadawtinimada , dagaal dhexdooda ah, is aamin la’aan, musuqmaasuq iyo waxyaabo kale oo ka sii xun. Sababahan aan xusey awgood, Dowladda Federaalka waxay dooneysaa inay xubnahan ka soo cararaya Al Shabaab oo horey cadowgeena u ahaa inay soo dhoweyso, isla markaana ay gacan ku siiso inay dib shacabka uga mid noqdaan, waxna ula qeybsadaan. Waxaa kale oo Dowladda Federaalka ay sii wadi doontaa inay la hadasho hoggaamiyeyaasha Al Shabaab ee fikirka ururkaasi ka soo horjeeda si loogu dhiirigeliyo inay nabadda qaataan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley goosashada maliishiyaad badan oo Al Shabaab ka tirsanaa: “Lama hadleyno oo keliya hoggaamiyeyaasha Al Shabaab: waxaa jira askar caadi ah oo aad u badan oo ka tirsanaa Al Shabaab kuwaas oo iyaguna ka soo goostey ururka. qaar kale oo badanna waxay raadinayaan qaab ay kaga soo baxsadaan mugdiga ay weli ku xaniban yihiin. Waxaan u sheegeyna: Mar kasta albaabada way idin furan yihiin, laakiin waa inaad iska diiddaan oo aad dhinac iska dhigtaan fikirka xun ee Al Shabaab. Dil iyo xumaan kale oo la idin geysanayaa ma jiraan. Dowladda Federaalka waxay dammaanad qaadeysaa nabadgelyadiina. Qof walba oo idin ka mid ah Soomaaliya kaalin ayaa uga banaan. Waxaan idin ka caawin doonaa inaad heshaan waxbarasho, inaad barataan xirfado ganacsi ama in la idin shaqaaleysiiyo.

“Waxaan idin ku baaqayaa inaad waddo kasta u soo martaan si aad inoogula soo xiriirtaan, waadna heli doontaan dad idin diyaar ah oo idin dhegeysanaya iyo taageero. Waxaan ognahay inay jiraan sababo idin ku kalifey inaad ku biirtaan Al Shabaab kuwaas oo xiligaa micno idin sameynayey: laga yaabaa inaad u baahneydeen lacag aad ku caawisaan qoysaskiina, laga yaabaa qof aad ku kalsoon tahay inuu kugu dhiirigeliyey inaad ku biirto, amaba laga yaabaa inaad ku biirtey adigoo is dhahaya muuji inaad tahay Soomaali wanaagsan ama Muslim wanaagsan. Waxaa dhici karta inaadanba war u hayn waxa ay yihiin waxa aad ku biireyso- in badan oo ka mid ah kuwa soo goostey waxay inooga sheekeeyaan argagaxa ku dhacay markii ay garowsadeen waxa ay faraha kula jireen iyo dembiyada ay sameynayeen.Laakiin marnaba waxa aad horey u sameysey yaaney noqon waxa mustaqbalkaaga dambe aafeyn kara amaba wax u dhimi kara.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale fariin u direy shacabka Soomaaliyeed: “Waxaan sidoo kale fariin u jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed. Qaar idin ka mid ah waxay dhibsanayaan dib u heshiisiin lala sameeyo xubno hore Al Shabaab uga tirsanaa. Waxaan doonayaa inaan mar kale idin xaqiijiyo in Dowladda Federaalka ay sameysey nidaam lagu aqoonsanayo kuwa ay daacadda ka tahay goosahada. Waxaad ogaataan in goosashada ay la socoto shuruudo:
• In qofka soo goostey uu qirto ama aqoonsado dembiyadii uu horey u soo galey
• Inuu dhinac iska dhigo, bari ka yahay amaba diido dagaalka iyo taageerada kooxda Al Shabaab.
• Inuu qaado mabda’a nabadeed oo xal loogu raadiyo colaadda
• Inay ka go’an tahay inuu door muuqda ka qaato sidii uu dib uga mid noqon lahaa bulshada inteeda kale, isla markaana uu gacan ka geysto inuu wanaagga bulshada ka shaqeeyo, doorna ka cayaaro

“Kuwa soo goosta waxaa gacan lagu siiyaa inay qirtaan, waxna ka qabtaan falalkii ay horey u sameeyeen,iyadoo la raacayo barnaamij si dhow dusha loogala socdo oo la xiriira dib u habeynta maliishiyaadka iyo xubnaha kale ee ka soo goosta Al Shabab. Marka ay ku biiraan bulshada, si joogta ah ayaa waxaa dusha kala soconaya ciidammada amniga ee Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan inay dhab ka tahay goosashada isla markaana ay ka go’an tahay inay abid ka fogaanayaan Al Shabaab.

“Waa inaad ogaataan in xubnaha ka tirsan Al Shabaab ee aan dooneyn inay shuruudahaasi buuxiyaan amaba aqbalaan ee doonaya inay sii wadaan falalka waxashnimada, khiyaanada, inay dadka xoog wax kaga qaataan amaba dhacaan iyo musuqmaasuqa in sharciga lala tiigsan doono .Iyadoo isla arintan laga ambaqaadayo, waxaa mar dhow la ansixin doonaa oo sharci noqonaya xeer cusub oo gaar ah lana xiriira la Dagaalanka Argagixisada.

“Waxaa kale oo jira dembiyada qaar oo aan wax cafis ah lahayn, kuwaas oo waddada keliya ee furan ay tahay in dadka lagu helo sharciga la horkeeno, sida falalka dilka iyo kufsiga. Laakin xitaa kuwa lagu helo inay dembiyadan galeen waxaa u furan inay ku soo biraan hanaanka nabadda marka ay soo dhameystaan xukunnada lagu xukumo.

Laakiin kuwa doorta waddada nabadda, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay aqbalaan baahida loo qabo in la isku soo dhowaado, cafisna la isku fidiyo si aan inagoo wadajirna u xirno boggan mugdiga ah ee taariikhda Soomaaliya gashey.”

COMMENTS